Xiddiga Chelsea Ee Estevao Oo Sharaxay Sababtii Uu U Diiday Man United Una Doortay Chelsea.


Xiddiga da’da yar ee kooxda Chelsea, Estevao Willian, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta uu ugu doortay Blues-ka halkii uu ka aadi lahaa kooxo kale oo ay ka mid yihiin Manchester United, Tottenham Hotspur iyo Nottingham Forest.

Chelsea ayaa heshiiska Estevao la gaartay sanadkii 2024, iyagoo kala soo wareegay kooxda reer Brazil ee Palmeiras, inkastoo uu si rasmi ah ugu biiray Stamford Bridge xagaagii dambe. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa sheegay in qoysaskiisu ay la kulmeen kooxo kala duwan, balse mashruuca iyo qorshaha ay Chelsea u soo bandhigtay uu ahaa mid si gaar ah u soo jiitay. Wuxuu tilmaamay in Blues-ku ay yihiin koox siisa ciyaartoyda da’da yar fursado badan oo ay ku helaan daqiiqado ciyaareed iyo horumar joogto ah. Isagoo la hadlayay wargeyska The Sun, 18-jirkan ayaa caddeeyay inuu aaminsanaa in Chelsea ay tahay meesha ugu habboon ee uu mustaqbalkiisa ka dhisi karo, maadaama uu halkaas ka heli karo waqti ciyaareed badan isla markaana uu la safan karo ciyaartoyda ugu sarreeya caalamka. Ugu dambeyn, Estevao ayaa sheegay in go’aankiisa uu ku saleeyay aragti fog iyo rajada uu ka qabo inuu noqdo mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka ee Blues-ka

Post a Comment

Previous Post Next Post

Recent in Recipes