WordPress waa madal caan ah oo lagu dhiso website-yo xirfad leh. Haddii aad rabto inaad lacag ka samayso internet-ka, WordPress iyo Google AdSense waa isku-dar wanaagsan oo kuu horseedi kara dakhli joogto ah.
Marka hore, samee website leh mawduuc ay dadka xiiseeyaan sida technology, online income, jobs, education, ama health. Kadib si joogto ah u daabac maqaallo tayo leh oo faa'iido u leh akhristayaasha. Content-ka wanaagsan ayaa kaa caawinaya inaad hesho booqdeyaal badan.
Marka website-kaagu diyaar noqdo, codso Google AdSense. Haddii laguu oggolaado, waxaad website-kaaga ku dhejin kartaa xayeysiisyada Google. Markasta oo dadka booqda website-kaagu ay arkaan ama gujiyaan xayeysiisyadaas, waxaad heli kartaa dakhli.
Si aad u kordhiso dakhligaaga, isku day inaad hesho traffic badan oo ka yimaada USA, Canada, UK, iyo Australia, sababtoo ah xayeysiisyada dalalkan ayaa inta badan bixiya lacag badan. Sidoo kale baro SEO si website-kaagu uga muuqdo natiijooyinka Google.
Guushu waxay ku timaaddaa dulqaad iyo shaqo joogto ah. Haddii aad si joogto ah u daabacdo content tayo leh, website-kaagu wuxuu noqon karaa il dakhli oo wanaagsan mustaqbalka.
📺 Daawo Casharro WordPress:
YouTube WordPress Tutorials
